Umulisadii Haween iyo Dhallaan badan Badbaadisay Balse Iyadii umul-raacday..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Umulisadii Haween iyo Dhallaan badan badbaadisay balse iyadii markii dambe umul-raacday oo nafteedii ku weysay Isbitaal ku yaala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo gurmad ahaan loogu keenay…

Wararka ayaa sheegaya in Dr.Nadiira Cabdulaahi Aadan, ay Arbacadii tagtay ku umul raacday ilmaheedii ugu horeeyey Isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso, sida uu BBC u sheegay seygeeda Axmed Maxamed Maxamuud, wuxuna intaasi raaciyay iney dhaaftay muddo maalmo ah xilligii ay dhali lahayd, waxaana loo diyaariyey inay qalliin gasho isbitaalka ay ku jirtay magaalada Bosaaaso, waxaa qabtay nabar, koomo ayey gashay, kadibna waa geeriyootay, waxaa la isku dayey in ilmaha la badbaadiyo, laakiin iyaduna ma suura galin ee labaduba waa geeriyoodeen” ayuu yiri Axmed.

Geerida Dhakhtarad a oo 34 jir ahayd, ayaa gilgilay magaalada iyo Degaanada ka tirsan degmada Badhan, maadaama ay ahayd dhaqtaradda haweenka ee ka howlgali jirtay isbitaalkaasi, sida ay sheegtay Dr.Faadumo Ibraahim Ismaaciil oo ah isu duwaha Caafimaadka ee Gobolka Sanaag.

320810cookie-checkUmulisadii Haween iyo Dhallaan badan Badbaadisay Balse Iyadii umul-raacday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *