Ciidamo Isku Dhaf Ah Ka Afduubtay Ganacsade Beeraley Ah Hoygiisa

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Howgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamo isku dhaf ah, kuwaasoo weerar ku qaaday Ganacsade Beero ku leh degaano dhowr ah oo ku kala yaala Gobolada Shabeelada Dhexe iyo hoose….

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Ciidamo isku dhaf oo Cadaan iyo Soomali ah afkana u Suuban yahay ayaa xalay waxey u dhaceen Guriga Ganacsade Axmed Warsame Qeyliye oo xiligaasi ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaal degaanka Oodweyne agagaarka garaashkii Gaadiidka Qaranka ee ku dhegan Wasaarada Gaashandhigga.

Ilaa hadda lama yaqaano sababta loo xiray iyo Dembiyada loo heysto, waxaase la sheegay inuu Ganacsadahaan uu ka mid yahay Ururka Beeraleyda Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo jeeda Degmada Cadaado, Ehelada Ganacsadaha ayaa welwel ka muujiyo badqabka iyo meesha lagu xiray.

108170cookie-checkCiidamo Isku Dhaf Ah Ka Afduubtay Ganacsade Beeraley Ah Hoygiisa