Madaxtooyada Somalia oo Dalbatey in dib loo dhigo Bixitaanka Ciidamada ATMIS..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Qoraal uu La-taliyaha Amniga Madaxweynaha u diray Ambassador Ferit-Hoxha, 19-kii Bishaan kana codsaday in muddo 3-bilood ah dib loo dhigo dhimista ciidamada ka socota ATMIS, kuwaasoo dhan 3000 oo Askari loona qorsheeyay iney ka baxayaan Dalka dhamaadka September 2023…

Qoraalka Madaxtooyada oo ka muuqata daldalooyin iyo ineysan ku faraxsaneyn Tiro Saraakiil ka tirsan ATMIS iyo kuwa AU, iyagoo Cabashadooda sal uga dhigay qaabka ay Dowladda Federaalka u maareysay Dalabka codsigii “hakin farsamo” ee dhimista, Saraakiishaan ayaa sheegay in Villa Somalia ay hareer martay maamulkii saxda ahaa.

Sida qorshuhu ahaa markii hore, ATMIS waxaa loo qorsheeyay iney ku wareejiso shan xarumood oo ay ku jiraan xarumaha muhiimka ah sida Aqalka Madaxtooyada, Baarlamaanka, Garoomada Diyaaradaha ee Kismaayo, Dhuusa mareeb, iyo Saldhigga Biyo Cadde, Intaa waxaa dheer, in afar saldhig, gaar ahaan Saliile, Burhashi, Regaase, iyo Qorilow, ay ahayd in si joogto ah loo xiro hawsha.

Waxaa cabsida sii adyeeyay dib u dhac ku yimid weeraradii ugu dambeeyay ee kooxda argagixisada Shabaabka ay ku qaadeen ciidamada Dowladda, gaar ahaan dagaalkii Cawsweyne, codsiga Dowladda ee 90-ka maalmood ee “hakin farsamo” oo xiligaa dalabka laga bilaabo 19-ka Sep kaasoo ku eeg Dicembar, iyadoo lagu wado in Golaha Amaanka uu dib u eegis ku sameyn doono qaadista Cunaqabateynta hubka saaran Dalka 17-Novembar 2023.

Marka ay xaaladdu sidaas tahay Saaxiibada Somalia waxay si gaar ah isha ugu heyn doontaa sida ay UNSC u wajahdo codsiga Madaxtooyada Villa Somalia, iyo in meel dhexe la isugu imaan karo si loo sugo Amniga dalka inta lagu guda jiro xiliga kala guurka.

278290cookie-checkMadaxtooyada Somalia oo Dalbatey in dib loo dhigo Bixitaanka Ciidamada ATMIS..