Toogasho Bareer ah Oo lagu Dilay Mid Ka Mid ah Ciidanka Gorgor ee Degmada Aadan Yabaal..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Gorgor ee uu tababaray Turkiga ayaa lagu dilay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.dhexe, xili uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Somalia Sida ay sheegeen ilo loo qaateen ah…

Dhacdadaan ayaa lagu fasiray in Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray C/fitaax Bashiir Sheekh Aadan waxaa dilay askari kale oo weydiistay raashin uu cuno, xili maalin Soon ay eheyd, isagoo rasaas ku boobay markii uu diidmo kala hor-yimid dalabkiisa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gacan ku dhiiglaha la qabtay, waxeysa ehelka marxuumka ka cabsi qabaan in la fakiyo oo aan sharciga la horkeenin, Ciidamada Dowlada ayaa u badan kuwo Akhlaaqdoodu hooseyso isla markaasna aad u isticmaalaan Mandooriyayaasha iyo Qaadka.

248360cookie-checkToogasho Bareer ah Oo lagu Dilay Mid Ka Mid ah Ciidanka Gorgor ee Degmada Aadan Yabaal..