Qeylo dhaan laga Keenay Ansixinta Xildhibaanada ee Sharciga La-Dagaalanka Argagixisada

Somalia news

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay ansixiyay Sharciga la dagaalanka Argagixisada, iyadoo Sharcigaan ujeedadiisu yahay in la helo hanaan Sharci oo Hey’addaha Amaanka ka caawin kara iney la dagaalamaan kooxaha argagixisada oo dhibaato xoogan ku haya Shaciga Soomaaliyeed…

Dadka dhaleeceya Sharcigaan ayaa walaac xoogan ka muujiyay sida uu u qeexaayo “Cida argagixiso loo aqoonsan karo”, iyagoo ka digay in Hey’adaha Amaan & Saraakiisha Hogaamisa ay siin karto awoodo xad dhaaf ah oo ay ku bartilmaameedsadaan Dadka ay aragtida ku kala duwan yihiin isla markaasna u geystay awood sheegasho & xarig sharci darro ah muddo dheer.

Sharcigaan ayaa qodobadiisa qaarkood ay qeexayaan iney Saraakiisha Amaanka iney weeraraan soona qabtaan “tuhmanayaasha argagixisada”, iyadoo aan amar Maxkamdeed helin, talabadaan ayaa waxey ka hor imaaneysa Qodobada Dastuurka qaarkood inkastoo wax ka bedel lagu sameeyay intii ay doodu socotay hadana ku filna.

245810cookie-checkQeylo dhaan laga Keenay Ansixinta Xildhibaanada ee Sharciga La-Dagaalanka Argagixisada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com