Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Qorsheysatay iney Taageerayaasheeda ku Abaal mariso Jagooyin Sare oo ay maalgelineyso IOM

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxtooyada ay dhawaan daabacday xayaysiisyo shaqo oo lagu marin habaabinasyo in lagu tartarsiiyo Muwaadininta daneyneysa Xilalka – La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, La-taliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda iyo Ku-Xigeenka – NPCU iyo La-taliyaha Horumarinta iyo Xasilinta Caalamiga ah oo la maal-geliyay. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM)…

Si kastaba ha ahaatee, waxa la ogaaday in xilalkaasi la soo bandhigay, haddana hore loogu sii cayimay in lagu abaal-mariyo saaxiibada ku dhow dhow iyo kuwa daacadda u ah Madaxweynaha ee iyagu xilalka la midka ah ka haya xukuumadda dhexdeeda, waxaana ujeeddooyinka loo soo dhejiyeyna ay yihiin kuwo la doonayo oo keliya in lagu indhasarcaadiyo indhaha bulshada iyo iney dhaliyaan riyo dhalanteed ah in la qabto tartan cadaalad ah sida ay tusaale u tahay xayaysiisku muddada kooban ee laba maalmood oo kaliya, laga bilaabo Juun 23-keeda ilaa 25-ka Juun.

Soo gunaanadka iyo wax-is-daba marinta habraacaan ee uu Maamulka Xasan Gurguurte ku fara geliyay ayaa walaac laga muujiyey sida ay wax u socdaan, waxana loo arkay inay xad-gudub ku tahay siyaasadda shaqaalaysiinta ee IOM, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareed ku dhow Villa Somalia oo la wadaagay Xogtaan Warsidaha Diinah.com news oo magaciisa diiday in la shaaciyo.

Hay’adda IOM oo horay ula kulantay dhaleecayn ku aadan ka faa’ideysiga Mashruuca Tayeynta Qurba-joogta, taasoo la sheegay inay sababtay in shaqsiyaad aan u qalmin xilal loo magacaabo Somalia, Khiyaanadaan u dambeysa ayaa sii xumaynaya sumcadda Ururkaan, Mushaharka jagooyinka la xayeysiiyay ayaa u dhexeeya $12,000 ilaa $16,000, waxay ku xiran tahay heerka waayo aragnimo iyo khibrada sida laga soo xigtay ilo wareedkaan, waxaana la xaqiijiyay in Dhaqaalahaan (Mushaarkaan) si toos ah loogu shubi doono akoonnada shaqsiyaadka la magacaabay, iyadoo la hareer maray Sharciyada Shaqaaleysinta iyo Canshuuraha.

262540cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Qorsheysatay iney Taageerayaasheeda ku Abaal mariso Jagooyin Sare oo ay maalgelineyso IOM