Ma Dhabaa in Dhalinyaradii lagu soo Tababaray Eritrea ay ka soo Baxeen Agagii Ay Difaaca ugu Jireen

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Ciidamadii lagu soo tababaray Dalka Eritrea ay ka soo baxeen Aagagii ay dhufeysyada uga hireeb ee Shabeeleda dhexe, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Saraakiishooda & kuwa Gorgor…

Wararka ayaa sheegay in Ciidamkaasi oo tiradoody dhameyd 3000-Askari laba jeerna la kala qaaday, ayaa ja soo baxay dhufeysyadii ay uga jireen Tuulada Daaru-Nimca oo ku dhow Degmada Aadan Yabaal, waxaana la sheegay in lagu hakiyay Degmada Cadale.

Saraakiisha Wasaarada Gaadhandhiiga ayaa degdeg uga baxay magaalada Mogadishu waxeyna ku guuleysteen iney dib u celiyaan Ciidamadaan oo habqan ah daal badana ka muuqda, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Maamul iyo hogaan xumo dhanka howlgalka ay muddo ka jirto Taliska Xoogga Dalka.

Ku darsoo Maamulka Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Ciidamadaasi aysan siinin daryeelkii ay u baahnaayeen, sida raashin ku filan, gaadiid iyo sahay kale toona, taasoo ku kaliftay inay ka soo lugeeyaan deegaanadii la geeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

247320cookie-checkMa Dhabaa in Dhalinyaradii lagu soo Tababaray Eritrea ay ka soo Baxeen Agagii Ay Difaaca ugu Jireen
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com