Qodobo Hordhaca Oo Gudiyada Ay Isla Qaateen

Somalia news

Wada hadalada ay leeyihiin Guddiyada loo saaray howlaha u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa horumar wanaagsan ka sameeyey qaar kamid ah qodobada miiska saarnaa…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in ay labada Guddi ay isla Meel dhigeen in dhammaan isku socodka la furo, gaar ahaana kan Siyaasiyiinta iyo Rayidka ayna ku jiraan Mas’uuliyiinta ka socota Konfurta dalka xilalka ay doonan ha hayeene ay tagi karaan Waqooyiga dalka, sidaas oo kalena siyaasiinta Waqooyiga ay tagi karaan Koonfurta.

Qodobada Hordhaca ah ee la isla meel dhigay Waxaa ka mid ah:-

-Hanaanka deyn-Cafinta ayaa laysku raacay in wadajir looga wada shaqeeyo wasiirada Maaliyada ee XFS iyo Somaliland-na ay toos uga wada xariiraan.

-Hargeysa, waxay xarun u noqonaysaa Hagida ama maamulida Hawada Soomaaliya, kaas oo ahaa heshiisyadii horey loo galay qodob kamid ah, dhaqangalintiisa ayaana lagu dabagalayaa waqti cayiman.

-Kaalmada caalamiga ah, waxay Somaliland heli doontaa qoondo dheeraad ah, maadaama ay deegaanadeeda oo dhan nabad yihiin, una diyaarsan yihiin Hay’addaha fulin kara noocyada Mashaariic oo ay kujiraan kuwa Maalgashiga waa weyn.

-Deeqaha waxbarashada iyo nooc kasta oo ay kujiraan kuwa Milateri, laguna helo magaca Soomaaliya, Somalilandna waxay kuyeelanaysaa qoondo gaar ah, taas oo ay guddi gaar ah qeexi doonaan.

-Qodobada ugu adag ee kulanka ayaa soconaya, waana midka ugu adag ee doodaha shirkan oo la doonayo in go’aan kasoo baxo, waana qodobada masiirka kusaleysan Somaliland, waxay doonaysaa Federaal lamid ah midka UK ay uga mid yihiin Scotland, Wales iyo N.Ireland, una ogolaanaya cod in la qaado waqtigii ay doonaan, Laakiin Xukuumadda Somalia ayaa doonaysa in 1 sano ilaa 6 bilood lagu dhameeyo Dib u heshiisiin dhab ah, lana qaato nidaam Federaal ah oo Koonfur iyo Waqooyi kudhisan saami qeybsiguna sidaas noqdo.

FIIRO GAAR AH: Qodobadani wali waxay kujiraan dood inteeda badan heshiis laga gaaray.

42140cookie-checkQodobo Hordhaca Oo Gudiyada Ay Isla Qaateen