Qoraal aan laga fiirsan Ee laga soo saaray Wasaarada Arimaha dibada ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, ayaa lagu tilmaamay mid ka hoose howlaha loo igmaday, waxeyna Afduubteen Kaalintii iyo doorkii Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga….
Talaabadaan ayaa muujineysa sida siyaasada dibada ee Dalku aysan uhaysan Mas’uuliyiin ku hogaamin karta jiho hagaagsan, Wasiirka wuxuu uhadlayaa sidii kii Arimaha gudaha. isagoo Eedeyn u jeediyay Madaxda Dowlad goboleedka Puntland si ka fiirsasho la’aan ah.
Wuxuu difaacay dhowaan Wareysi uu bixiyay Xasuuqa Dowladda Ethiopia ka wado Gobolka Tigray, Sidoo kale wuxuu isku dayay inuu caalamka been usheego kana qariyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee Jimcihii.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiir Dowladda Arrimaha Dibeda uu la wareegay Howlihii Wasiirka, Xaqiiqduse waxay tahay in Warqadan ay ceeb iyo waji gabax ku tahay diblomaasiyada Somalida ee Gu’gii 60-aad loo tiriyo.