Beeraley Loogu Deeqay Motor Biyaha uga Soo Saartaan Celal Gacmeed

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Nin Beeraley oo ku nool degaan hoos taga Gobolka Nugaal (Punrland), oo dhibaato ka heysatay cilado ku yimid Matoorkiisa Waraabka Bertiisa muddo 40-Maalmood ah, ayaa loogu deeqay Matoor, wuxuuna dib u bilaabay tacbashada dalagyada kala duwan…

Ninkaan oo ka mid ah tiro Beeraley degaanka ayaa Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cali Guure kuna nool Degaanka Cuun oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Beertiisa uu ka quudin jiray 11-Caruur oo uu dhalay, wuxuuna intaasi raaciyay inuu mar kale fursad u helay in uu waraabiyo dalag uu beertay, iyadoo ay ugu deeqday Matoorka waraabka Hey’adda Kaalo.

Muwaadinkaan ayaa sheegay in beertiisa Biyo la’aanta ay wajahday taasoo sababtay in ay ka ba’baan dalag iskugu jiray qare, digir, galley iyo masaggo oo uu horraantii bishii Juun ku maalgaliyay abuurkooda dhaqaale dhan $250, Wuxuu xusay in lagu leeyahay lacag ka badan $500 oo isku jirta raashinka ay qoyskiisu isticmaalaan iyo abuurka uu galiyay beerta, Cabdiraxmaan wuxuu rajeynayaa in uu bixiyo lacagtaas marka ay soo go’aan dalagyada u baxaya xiligaan.

Beeraleyda deegaanka Cuun oo 75 km u jira magaalada Garowe ayaa haysta ceelal ay gacanta ku qoteen, kuwaasoo ay biyaha kaga soo saartaan matoorrada la siiyay, talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu dhiiri gelinaayo Beeraleyda degaanka iney wax soo saarka dalagyada kaka duwan kordhiyaan.

216550cookie-checkBeeraley Loogu Deeqay Motor Biyaha uga Soo Saartaan Celal Gacmeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com