Xildhibaanada Baarlamaanka oo Kulan ka leh Arrimaha Siyaasada & Go’aanada Masiiriga…

Somalia news

Xog sugan ayaa sheegeysa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta oo Isniin ah u madlan Kulan looga hadlayo ka doodista Arrimaha Siyaasadda iyo Go’aamada Masiiriga ah ee Dalka, iyadoo ay ka dhalatay Hadal-heyn balaaran, kuna aadan Fadhigaan Baalamaanka…

Waxaa loo badinayaa iney Xildhibaanada iyo Senatorada ay gaari doonaan Go’aano dhan ka ah Puntland & Kooxaha Mucaaradka, Farriin loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay ajandaha kulanka maanta oo taariikhdu tahay 5 February 2024, Ilaa iyo hadda lama caddeyn inuu Madaxweynaha ka soo qeyb galayo kulanka iyo in kale, balse waxaa Shir-Gudoomin doona Gudoomiyaha Baarlaamanka.

Kulankan ayaa sida la aaminsan yahay jawaab u ah gogosha siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo marxaladaha siyaasadeed ee dalka ka soo cusboonaaday, kaasoo lagu martiqaaday Madaxda DFS, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Madaxdii hore.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa horyaala Wax ka bedelka dhameystirka Dastuurka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo bisha March, kaddib markii 24 bishi January 2024 qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay Habraaca Wax ka bedelka Dastuurka.

306250cookie-checkXildhibaanada Baarlamaanka oo Kulan ka leh Arrimaha Siyaasada & Go’aanada Masiiriga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com