Mareykanka Oo Ku Cadaadinaaya Mr.Farmaajo Inuu Xakameeyo Agaasimaha NISA

Somalia news

Saraakiisha Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney si hoose culesyo u saareen Maamulka Villa Somalia, iney jawaab cad iyo fasiraad ka bixiyaan, Hadalkii hanajabaada xambarsanaa ee uu baraha bulshada ku baahiyay Hogaamiye kooxeedka u xiran Dowlada Federaalka Horjooge Xasan Daahir Aweys…..

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news la qeybsaday warkaan in Saraakiisha Sirdoonka iyo Ciidamada ee USA ay aad uga caroodeen in loo fasaxo Horjooge xasan Daahir inuu ka sii daayay barahiisa bulshada isaga oo ku baaqay weerar argagaxiso oo lagu qaado dowlada  iyo shacabka dalka Maraykanka.

Saraakiisha Sirdoonka USA ayaa la sheegay iney ku eedeeyeen Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin inuu ku dhiiri geliyay Horjooge Xasan Daahir inuu Hanjabaado hawada u mariyo, isla markaasna u sahlay inuu isticmaalo baraha bulshada, kuna faafiyo afkaarta xag-jirnimada ee uu aaminsan yahay Horjogahaan u xiran Dowlada Federaalka, waxaana loogu baaqay iney xakameeyaan Agaasimaha NISA.

Hey’adaha Sirdoonka USA ayaa sheegay in Xasan Dahir Aweys oo ku jira xabsi guri uusan marnaba awoodin inuu ku dhiirado in uu ku baaqo jihaad ka dhan ah dalka Maraykanka hadii uusan ogolaasho ka heysan Fahad Yasin oo isagu horay loogu eedeyayy in uu taageero ururada argagaxisada, waxaana loogu baaqay maamulka Villa Somalia iney ka qaadaan talaabada ku haboon Agaasimaha NISA.

59040cookie-checkMareykanka Oo Ku Cadaadinaaya Mr.Farmaajo Inuu Xakameeyo Agaasimaha NISA