Share the post "Qowmiyadda Soomaalida, Shuruudaha Lagu Noqon karo & Saameynta Dalalka Deriska (Maqaal)…"
Dadyowga Aduunka badankiis, waxay isku raacsan yihiin in xudduudyada Dalalku muujiyaan Qowmiyado (ethnic), Af (linguist) ama Diin (religious), Qaarada Afrika, iyadu waa ka duwan tahay Aduunka intiisa kale, Xudduudyada Qowmiyaduhu, maahan kuwa ay samaysteen Dadka Afrikaanka ahi, ee waa kuwa ay sameeyeen gumaystayaashii reer Yurub…
Soomaalidu waa Qawmiyad-Qarameed (ethnic Nation) ballaaran oo Degaankoodu yahay dhul baaxad weyn oo ku yaal Geeska Afrika, ahna Shacbi (Ummada) ka tirsan Afrikada Madow (Sub Sahara) ee is-leh (Homogenous) oo isku Af, Diin, Dhaqan, Osir iyo Degaanba oo reer Guuraa ah hadana kala qoqoban, xitaa (Isku cel-celiska boqollayda (Percentage-ka – %) aan badnayn ee isirkooda ama asalkoodu ka duwan yahay kan Soomaalida hayb-qarameedka (i.e. National Identity).
Yaa Muwaadin Soomaaliyeed ah:-
Sida qaalibka ah Dunida laba siyood baa muwaadin lagu noqdaa.”
- U dhalasho (Jus sanguinis – Latin: right of blood) – tus. Labadaada waarid ama midkood hadduu yahay Soomaali, adna waxaad noqonaysaa soomaali.
- Ku dhalasho (Jus Soli – Latin: right of soil) – tus. Qofku meesha uu ku dhasho ayuu muwaadin ka noqonayaa.
Hadaba, Labadaan aragti, ayaa is weydiin mudan, yaa lugu tilmaami karaa amaba noqonaya Muwaadin Soomaaliyeed (Somali Citizen)? Ma qof kastoo Soomaali u dhashay (i.e. labadiisa waalid ay Soomaali yihiin), meeshuu doono ha degaanaadee, tusaale ahaan, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, mise qofka ku nool Dalka gudihiisa keliya, ayaa la oran karaa “Muwaadin Soomaaliyeed”?
Intaanan falanqaynta iyo ka jawaabidda su’aasha kore u gelin, waxaan marka hore, si kooban u xusayaa arrimo ay tahay in Soomaalidu si fiican u fahmaan.
Waxaa Dunidaan casriga ah ka jira in Qof yeelan karo, amaba qaadan karo laba dhalasho (dual Citizenship) iyo/amaba dhawr dhalasho (Multiple Citizenship), inkastoo Dalalka Aduunka qaarkood aysan wada oggoleyn qaadashada laba dhalasho. Kuwooda oggoli, waxay samaysteen shuruuc iyo xeerar ku salaysan danahooda siyaasadeed, dhaqameed, diimeed, haybeed iyo bulshadeedba.
Shuruudaha waddamada reer galbeedka waxaa, tusaale ahaan, ka mid ah:
- In qofku sanooyin cayiman dalkaas ku sugan yahay (i.e. inuu leeyahay degenaansho daa’in ah – Permanent Residence)
- Inuu luuqadda dalkaas looga hadlo, si fiican u yaqaan
- Inuusan dembiyo ka gelin dalkaas
- Inuu canshuurta dalkaas si joogta ah u bixiyo, ikm
Shuruudaha dalalka carabta, waxaa ka mid ah: - In qofku si fiican u yaqaan afka Carabiga
- In qofku yahay muslin, dhalasho ahaan (by Birth) ama diinta qaatay (by Conversion)
Taas ka sokow, qaadashada laba dhalasho, waxay leedahay faa’idooyin iyo khasaarooyin.
Faa’idooyinka waxaa ka mid ah: - Xuquuqyada siyaasadeed (political Rights)
- Shaqada & safarka (work & travel)
- Adeegyada bulshada (Social services)
- Laba Baasaboor (Two passports)
- Hanti yeelasho (Property ownership)
- Waxbarasho dhaqameed (Cultural education)
Khasaarooyinka waxaa ka mid ah:
a- Laba jeer canshuurka (Double Taxation) (alyacni waa inuu labada dalba canshuurta bixiyo)
b- Qofka haysta dhalashooyinka laba dal, midkoodna kama qaban karo xilalka ku taxan lambarada C, D, E & F). Waa arrimaha la xiriira sirta, amniga iyo siyaasadda dibedda ee qaran leeyahay.
c- Madaxwayne, ku/xigeen, ra’iisul wasaare, wasiirro, xildhibaanno golaha sharci dejinta
d- Abbaanduulayaasha iyo saraakiisha ciidamada militariga iyo booliska
e- Madaxda & shaqaalaha Sirdoonka qaranka
f- Safiirada
In Dowladu u howlgasho sidii Muwaadiniinta ku nool Dalalka Ethiopia iyo Kenya loogu oggolaan lahaa iney qaataan Laba Dhalasho (Bilateral Agreement). Kenya waa oggoshay laakin Dalka Ethiopia ma oggola, Inay la xuquuq yihiin, Soomaalida kale ee deggan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Haddii Soomaaliga ka soo jeeda saddexdaas meelood uu rabo inuu Jamhuuriyadda Soomaaliya ka qabto xilalka iyo xirfadaha ku xusan C, D, E iyo F, waa inuu ka tanaasulo dhalashada Keenyaatiga, Itoobiyaanka iyo jabuutiyaanka.
Mustaqbalka, markii la helo Dowlad dalka oo dhan ka wada Talisa, in bixinta labada dhalasho (dual Citizenship) loo oggolaado KELIYA kuwa degaan ahaan deggan dhulalka Soomaaliyeed ee ka tirsan Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti.
In qaadashada dhalasho Soomaaliyeed (Somali Citizenship) ay shardi u yihiin
- A- Aqoonta afka, dhaqanka, hiddaha, taariikhda & juquraafiga Soomaaliyeed
- B- Inuu Muslin yahay, amaba uu soo muslimay
- 6- In qurbajoogta Soomaaliyeed ee wada haysta labada dhalasho, ay waajib ku tahay bixinta labada canshuur (Double Taxation).