Dalalka ATMIS Oo Aqbaleen In Dib Loo Dhigo Ka Bixitaanka Ciidamada Dalka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dawladda Jabuuti ayaa u dirtay Golaha Amaanka ee QM, codsi kale oo xoojinaya kii Dawladda Somalia ay ku dalbatay in 3 bilood dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, oo tiradoodu dhan tahay 3,000 Askari, kuwaasoo qorshuhu ahaa in 30-ka bishan ay ka baxaan gudaha Dalka…

Ururka AU-da ayaa ganafka ku dhuftay Codsiga Somalia inkastoo Wadamada ay ciidamadu ka joogaan Somalia ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ay aad u taageereen codsgii Madaxweynaha ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga 2-aad ee ciidamada ATMIS.

Qoraalka, Djibouti waxaa la raaciyey lifaaqa wadajir ah oo ay saxiixeen Wasiirada Arrimaha Dibada ee Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Somalia, oo ay ku dalbanayaan in la aqbalo warka dawladda Faderaalka ee ah sii dheereynta mudada joogida ciidamada ATMIS.

279420cookie-checkDalalka ATMIS Oo Aqbaleen In Dib Loo Dhigo Ka Bixitaanka Ciidamada Dalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com