Qurba-joogta Soomaalida & Cudurada Faraha ba’an ku haya Nolashooda…

Uncategorized

Kadib Burburkii Dowlada Dhexe ee Dalka, Soomaali badan ayaa qurbaha tagay iyagoo caafimaad qaba, waxaa dhacday in muddo kadibna arkaan caafimaadkooda oo hoos u dhacay, inta badan qurbaha waxaa laga hadlaa iyadoo Dadka Soomaalida ee yimid Dalalka reer galbeedka ay dabeecadda iyo Degaanku sameeyn ku yeelatay caafimaadkooda…

Inta badan waxaa loo aaneeyaa in isbedelka Hawada, waxaana markiiba hoos u dhaca Vitamaiinada qaar gaara kan muhiimka ah ee la yiraahdo Vitamiin D, iyadoo sababata uu Soomaalida Wadamada qabaw ee reer galbeedka degan uga yaradaa inay tahay jirkooda oo qorraxda la qabsaday, labiskooda gaara ahaan haweenka iyo iyagoo cunin cuno isu dheeli tiran sida kaluunka iyo khudaarta cagaaran, sida ay dhaqaatuurtu sheegayaan.

Sokorta Kolastarolka & Miisanka oo kordha.

Ku darsoo, Soomaalida oo intii ay dalkooda joogeen aad u isticmaali jiray Sokorta, ayaa la daala dhacaaya xaalada Sonkorowga, iyagoo aan joojin iney gebi ahaan yarewyaan cunista Sokorta, waxeyna horseeday inuu ku dhaco cuddurka Macaanka, kaasoo horseeday cagaha oo laga jaro, Araga oo yaraada iyo Wadno xanuun haddii aan la xakameeyn oo aan baaris joogta ahna Bukaanka qabaa isku sameeyn, waxaa inta badan uu sababaa cunto xumo, cayilka, iyo jimicsi la’aanta.

Xanuunada Dhimirka ama Maskaxda

Inta badan Cudurakaan ayaa Qurbajoogta la sheegaa in Haweenka iyo Dhalinyarada ku badan yihiin oo da’doodu u dhaxeyso 16-44 sano, waxaana sabab u ah in Bulshada Soomaalida aad ugu nugul cudurradda maskaxda waayo buu yiri ‘waa ogtihiin duruufaha soo qabsaday dadka Soomaaliyeed ee qurbaha qaxootiga ku yimid oo ah dad dagaallo iyo abaaro kasoo qaxay, immikana duruufaha qurbahu sameeyeen.

332510cookie-checkQurba-joogta Soomaalida & Cudurada Faraha ba’an ku haya Nolashooda…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *