Ma Dhabaa In Maamul Gacan-Ku-Rimis Ah Loo Dhisaayo Benadir

Uncategorized

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa qorshe dhagar eed ay Kooxda Villa Somalia ka diyaariyeen Sidii loo horjoogsan lahaa in loo dhiso Dowlad goboleed Shacbiga Magaalada Muqdisho, waxeyna wadaan abaabul ay ku doonayo in lagu dhiso Golaha deeganka Gobolka Banaadir…

Qorshaha Madaxtooyada ayaa soo baxay kadib markii Beelaha Mudulood ay cod dheer ku sheegeen iney diyaarinayaan sidii loo dhisi lahaa Maamul ay Dadka doortaan loogu magac darro Dowlad Goboleedka Banaadir state.

Kooxda Farmaajo ayaa doonaya inuu qorshahaasi hor-istaago isagoo adeegsanaaya Xubno degaanka ah iyo shaqsiyaad maalinta la nool, kuwaasoo qaarkood ka baaqsaday Kulankii Beelaha Mudulood, Qorshahaan ayaa ah in 4.5 lagu qeybsado Golaha deeganka G/banaadir si ay usoo doortaan Gudoomiyaha xilka kala wareega midka hada haayo ee Cumar Finish.l, iyadoo la adeegsanaayo Xoogaga Wadaniyiinta iyo CBB.

Sida ay xogtu tilmaameyso Qorshahaan ayaa ah in hirgalinta Golaha Deeganka ay horboodi doonan Imaamka Iyo Ugaaska (Abgaal) iyagoo gacan ka heli doona Taageerayaasha Villa Somalia, xubno xil doon ah iyo Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka.

Mr.Farmaajo ayaa damacsan markii uu golaha degaanka dhiso kadibna la doorto Gudoomiye cusub in uu sameysto Mudo kordhin 2 sano ah, Maamulka lasoo doortayna ku amro inay amnigooda ilaashadaan, loona sheego Shacbiga iney difaacdaan Maamulkooda.

53280cookie-checkMa Dhabaa In Maamul Gacan-Ku-Rimis Ah Loo Dhisaayo Benadir