Muddo Kordhin Loo Sameeyay Doorshada Galmudug..

Uncategorized

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caawa muddo kordhin Cusub sameeyay.

Guddiga Doorashada oo markii saddexaad waqti kordhin u sameeyay Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo aan weli Is diiwaan-gelin.

Guddoomiyaja Guddiga Doorashada ayaa waxaa uu shaaciyay in muddo 24-saac ay ku dareen waqtiga diiwaan-gelinta Musharaxiin, maadama ay weli harsan yihiin Musharaxiin dhowr ah.

Sidoo kale Guddoomiye Xuseen Tahliil ayaa waxaa uu sheegay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isla markaana haatan uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee Doorashada.

Guddiga Doorashada ayaa haatan diiwaan-geliyay 9 Musharax, iyagoona 4 kamid ah Musharaxiinta u diiwaan-geliyay xilka Madaxweynaha, halka 5 kalena ay u tartamayan Madaxweyne ku-xigeen.

Si kastaba 4 Musharax oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa  sheegay inay isaga baxeen tartanka Doorashada, iyagoona ka qeyb galka Doorashada ku xiray Shuruudo Cusub oo dhowr ah.

12310cookie-checkMuddo Kordhin Loo Sameeyay Doorshada Galmudug..