Rabshadaha S/Africa Oo Sababay Dilal & Dhac

Africa News

Waxaa aad u kordhay Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika, kuwaasoo sababay dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika, Falalkaan ayaa yimid kadib markii xabsiga la dhigay Madaxweynihii hore ee Dalkaasi..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Afar dbalinyaro ah oo ka mid ahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku lahaa goobo ganacsi ayaa lagu dilay gudaha dalkaasi, saacadihii ugu dambeeyay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Maxamud Qooje, Goosaar Ganeey, Mahad Ciise Baadi, iyo Sarjaan Cali.

Dilalka iyo dhaca loogu geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed dalka Konfur Africa oo aan aheyn mid cusub ayaa hada u muuqanaya mid sii kordhaya maadama hal todobaad gudahiisa halkaasi lagu dilay ilaa 10 muwaadin oo Soomaali ah oo halkaasi u tagay iney ka shaqeystaan.

129030cookie-checkRabshadaha S/Africa Oo Sababay Dilal & Dhac