2-Soomaali Ah Oo Qaad Lagu Qabtay

Africa News Business

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in 2-Qof oo Soomaali ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyattta ee magaalada Nairobi, iyagoo xiligaasi isku diyaarinaayay iney ka dhoofaan garoonkaasi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shaqsiyaadka xoriyada laga qaaday ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Barre Aadan iyo Cusmaan Maxamed, iyagoo shalay aroortii doonayay iney ka dhoofaan garoonkaasi, waxaana lagu qabtay Qaad, Saraakiisha Baarista Dembiyada ayaa laga soo xigtay in Mr.Barre Aadan lagu qabtay 20-kg oo Qaad ah, halka Mr.Cusmaan Maxamed lagu qabtay 5-kg oo qaad ah kuna soo qariyay surwaaladiisa.

Saaakiisha Amaanka ayaa sheegay in Labada Qof lagu soo oogi doono Dacwado la xiriir in si sharci darro ah uga dhoofinaayeen Badeeco la mamnuucay (Qaadka) garoonkaasi, iyagoo ku sii jeeda dalka aan la sheegin, waxeyna intaasi raaciyeen in labada Qof lagu xukumi karo 5- sano xarig ah ama ganaax u dhigma hadii lagu helo Kiiskaasi.

60680cookie-check2-Soomaali Ah Oo Qaad Lagu Qabtay