Ma Dhabaa in Dib u Heshiisiintii uu Deni ku Dhawaaqay Dhegaha laga Fureystay…

Somalia news

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka oo ka hadlaayay Xafladii Caleema saarka Madqxweynaha Puntland ayaa jeediyay Khudbad dhinacya badan taabaneysa, ayaa diirada saaray Barnaajimka Dhameystirka Dastuurka, isagoo sheegay in waqtiga badan la soo galiyay dhamaystirka Dastuurka hadana  uu marayo meel gaba gaba ah oo la furi doono…

Wuxuu sheegay:-

Dhanka kale waxaa si aad ah loogu falceliyay muuqaal Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo soo galay Hall-ka lagu caleemasaarayay Deni oo ay u istaagteen  madaxdii joogtay hase yeeshee kursigiisu aan ka kicin Deni, isagoo weliba Kuxigeenkiisa ku amray inuu Farsiito.

Ficilkaasi ayaa si weyn loo cambaareeyey, Dadka qaar ayaa qaba in Madaxweynaha Puntland oo la joogay xafladdiisii caleemasaarka ku kacay laba ixtiraam darro, Lama oga in talaabadan ay ku lug leedahay arintaas iyo in kale iyadoo tani ay ka dhalatay hadal hayn xoogan oo ah halka uu gaarsiinsan yahay khilaafka siyaasadeed ee Deni iyo Xasan.

303980cookie-checkMa Dhabaa in Dib u Heshiisiintii uu Deni ku Dhawaaqay Dhegaha laga Fureystay…