Rasaas Laga Maqlay Xadka Mandheera-Beled Xaawo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa xiisado ka taagan Xuduuda u dhaxeysay Somalia iyo Kenya, kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka uu Rasaas ku furay 2-Askari oo Dhanka Kenya ku sugneyd, iyadoo rasaastaasi ay ka dhasheen khasaare…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Askari katirsan Ciidamada Xoogga ee Ilaalada ka haya Xuduuda aan la wadaagno Kenya ( Mandheera) ayaa ku toogtay Labo Askari Oo Kenyaan Ah xilli ay joojiyeen Haweeney Soomali ah oo ka talaabtay dhanka Somalia, waxaana la sheegay inuu dhaawac soo gaaray labada Askari ee Kenyan ah.

Dhacdadaan ayaa xiisado ka dhalisey dhinaca Xuduuda oo xitaa Ciidamo badan lasoo dhoobay kadib falkaasi, xilli Ciidanka Xoogga iyaguna ay difaac galeen, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadaani isku bedesho gacan ka hadal, iyadoo ilaa hadda aysan muuqan dhaqdhaqaaq lagu dejinaayo xaalada.

91370cookie-checkRasaas Laga Maqlay Xadka Mandheera-Beled Xaawo