Hoobiye Lagu Weeraray Magaalada Dhuusa mareeb

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa weerar Hoobiye oo caawa lagu weeraray magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta dowlada goboleedka Galmudug, xili magaaladaasi ay ku hoyanayaan Madaxweynaha, Wasiirka 1-aad iyo qaar kamid Madaxda maamul goboleedyada….

Ilo wardeeyo loo qaateen ah ayaa sheegay in magaalada kusoo dhacene ilaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo, Waxaa la sheegay in Hoobiye uu ku habsaday Guri ayna ku dhaawacmeen 2-qof oo Rayid ah.

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay aagga Madaxtooyada Dhuusomareeb iyo goobaha ay ku sugan yihiin madaxda, hase yeeshee waxaa la sheegay inay cabsi xooggan ka jirto, kadib markii si xooggan looga maqlay jugta madaafiicda.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa hoos u dhac ku yimid amaanka Magaalada iyo guud ahaan Gobolada Galguduud iyo Mudug, waxaana muddo 2-maalmood ah dagaalo beeleed ay ka socdaan degaanka Xanan-burre oo qiyaastii u jirta 40-km Magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo shalay ay labada beelood iska dileen 12-qof.

91400cookie-checkHoobiye Lagu Weeraray Magaalada Dhuusa mareeb