Gen Galaal “ Codka Nool Xamar Waa Qafaalan Tahay”

Somalia news

Marxuum General Maxamed Nuur Galaal oo Xubin ka ahaa Baarlamaankii Dowladii Kacaanka, isla markaasna ka mid ahaa Sareeyayaashii Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay ay ku dileen Kooxdii weerarka ku qaaday Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho….

Marxuum Galaal oo horey uga hadlay weerarada joogtada ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo Hana Sababta Hey’addaha Amaanka ayaa Eedeeda wuxuu dusha uga saaray Hogaanka Dowladda Federaalka.

https://m.facebook.com/100001115776279/videos/3618357718211385/

“Xamar waa qafaalan tahay, gebi ahaanteeda waa qafaalan tahay, Dhibaatada dhan waxa weeye nidaamka ay wax u wadaan nimankan Mas’uuliyiinta ahoo siyaasiyiinta ah ayaa qariban, Laguma karo ciidamada saan haloo sameeyo, saan hala yiraahdo. Taakulayn uma hayaanoo, umana doonayaan.” Ayuu yiri General Galaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Meeshaan dadka iyo ciidamada haddaan leesku xirin, wax hagaagaya maleh, ciidamadana aan la hubayn, oo si fiican loo hubaynoo qalab loo helin. Labadaasi ayaa muhiim ah, ciidanka oo si fiican loo qalabeeyo iyo ciidanka iyo dadkoo gacmaha is qabsada. Hadda labadiiba waa maqan yihiin, waa maqan yihiin labadiiba, xagee guusha ka imaanaysaa?”.

Marxuum Galaal ayaa intaa ku daray “Dagaalki sidiiyuu u socdaa, nolol xumidii sidiiyee u jirtaa, wax badanoo aad mooddo in horumar la sameeyay waa jiraan, laakiin meeshii la rabay ma gaarsiisano, mana u dhawa. Markaa muddo dheer oo kale in lagu sii jirayaa ii muuqata.”

91310cookie-checkGen Galaal “ Codka Nool Xamar Waa Qafaalan Tahay”