Roob Baajiyay Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Guud ahaan magaalada Mogadishu waxaa kala xiray Roob mahiigaan ah oo biyo badan dhigay Xaafadaha Magaalada, iyadoo wadooyinka qaarkood uu burbur xoogan u geystay halka kuwo kale ay biyo badan fadhisteen, waxaana ugu daran Howlihii Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha oo kala bar hakad ku yimid…

Qaar ka mid ah Howlwadeenada Garoonka Diyaaradaha, Waaxayaha Amaanka iyo Duulista ayaa dib u dhacaan ku sababeeyay roobab xoogan oo muddo saacado qaatay ka da’ay magaalada iyo Certaamo cufan oo horseeday in Howlihii Duulimaadyada ay mydfo koovan hakad ku yimaadaan, iyadoo Duulimaadyadii Caalamiga ahaa qaarkood loo weeciyay magaalada Nairobi, halka kuwa gudaha loo wareejiyay magaalooyinka dhow dhow.

Si kastaba, Waxaa lagu wadaa in Maanta ayaa la rajeynayaa in dhamaan Duylimaadyada ku soo laabtaan Jadwaladii Caadiga ahaa, inkastoo Gudaha magaalada ay dhibaatada Biyaha badan iyo wasakhad laga cabsi qabo iney cudduro ka dhashaan, Maamulka Gobolkana uu ku fashilmay inuu la yimaado qorshe cad oo wax looga qaban karo dhibaatadaan joogtada noqotay.

333140cookie-checkRoob Baajiyay Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *