Maxey uga Gaabsadeen (Xasan Sh. & Deni) Ka Hadalka Tacadiyada iyo Qulqulatooyinka ka taagan Degmada Laascaanood

Somalia news

Waxaa ayaan darro ah in muddo 4-maalmood ah ay Xoogaga Amaanka ee Maamulka Hargeysa ay xasuuq ka wadaan magaalada Laascaanood, kuwaasoo noocyada rasaasta u adeegsaday sidii loo caburin lahaa Shacbiga ku dhaqanka Degmada, iyadoo ilaa hadda aysan ka hadlin Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo kan Maamulka Puntland…

Dibadbaxyadaan rabshadaha wata ee Dadweynaha ayaa ja dhashay dilal qorsheysan ay gudaha magaalada ka geystaan Maleeshiyaad degaanka ah iyo kuwa Maamulka Muuse Biixi, Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano uu hormuud u yahay Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa si adag uga hadlay kuna baaqay in deg deg loo joojiyo “Xasuuqa”.

Xogo ayaa tilmaamay in Maleeshiyaadka sida gaar ah ay Somaliland u masruufto ayaa waxay isku urursadeen Galbeedka Degmada Laacaanood oo ah degaan ay siyaasiyiinta iyo hawlwadeennadu u guureen, Xoogagga beegsnaya siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada u shaqeeya Somaliland waxay cabsi joogto ah ku abuureen qof kasta oo uga shaqeeya Laascaanood maamulka Somaliland ama xisbi Somaliland ka jira ka tirsan.

Casharka ugu weyn laga bartay amni-darrada Laascaanood ka taagan waa in dhowr siyaasi yihiin xuddunta siyaasadda qabqablenimada ka tisqaadday Laascaanood Oktoobar 2007, Waa Degaan ka dhac in kuwa dadka dhibaateeya haldoor lagu tilmaamo marka ay dhibbane u noqdaan weerarro qorsheysan, Kuwa hadda is casila oo dadkooda cafis weydiista waxay heli doonaan fursad ay nolol cusub oo aan ahayn dambi ku noolaansho, Cabsida ka muuqata wajiga Duqa Magaalada Laascaanood ayaa muujinaysa in xaalku ka sii daran yahay cir kaa dheer, dhul kaa dheer.

234250cookie-checkMaxey uga Gaabsadeen (Xasan Sh. & Deni) Ka Hadalka Tacadiyada iyo Qulqulatooyinka ka taagan Degmada Laascaanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com