Maxaa Ka Run ah in Maleeshiyaadka Degaanka loo Abaabulaayo Difaaca Xeebaha Gobolka Awdal..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in tan iyo markii ay soo shaac baxday in Ethiopia ay qorsheysatay iney xoog kula wareegto gacan ku haynta Xeebaha Saylac iyo Lugahya ee Somalia, isla markaasna dhegaha ka fureysatay baaqyada Dowlada Federaalka ee ku aadan iney ixtiraamto Xuduudaha Dhuleed/Xeebeed ee Dalka…

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowladaha Djibouti iyo Somalia ay ku mashquulsan qorshe hordhac ah oo la xiriira sidii la iskaga kaashan lahaa dejinta qorshe is-barbar socda oo lagu abaabulaayo Dadka Degaanka iyo Ciidamo kale oo lagu xoojinaayo sidii ay u difaacaan degaanada Xeebaha iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen xeebaha Saylac iyo Lughaya.

Saraakiisha Sirdoonka oo dhawaan kulan isugu yeeray Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Ganacsatada degaanada Gobolka Awdal, Shirarkaan ayaa markii hore lagu iclaamiyey shirweyne lagu heshiisiinayo labada beelood ee Gadabuursi iyo beesha Ciise, Iyadoo wali isimada kulamadoodu socdaan ayaa hadana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in ugu dambeyntii ay isu badaleen kulamo lagu xoojinayo difaaca Degaanka iyo xeebaha.

Wararka ayaa sheegay in Odayaasha Beesha Ciise ayaa codsaday in loo tababaro loona hubeeyo 480 Dhalinyarada Degaanka kuwaasoo la wareegi doona Degmada Saylac iyo nawaaxigeeda, Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira in Maamulka Somaliland uu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqyadaan, waxayna soo galisay isgoyska Lawyacade dhawr boqol oo maleeshiyaad ah oo hubaysan.

310240cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Maleeshiyaadka Degaanka loo Abaabulaayo Difaaca Xeebaha Gobolka Awdal..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com