Ehelada Ikraan Tahliil Oo Dacwad Ku Soo Oogay Tiro Saraakiil ah

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo Taliyaha hay’adda ee gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis, Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeeyay Dilka Ikraan Tahliil…

Qoraal kasoo baxay Qareenka Hooyada dhashay Ikraan ayaa lagu sheegay in dacwaddaan ay soo gudbiyeen qoyska iyo ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ay NISA shaacisay geerideeda kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab, iyadoo Eedeysanayaasha ay iska fogeysay dembigaasi.

Si kastaba, Xiisadaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaaraha shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu faray Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida inuu baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan, kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood u leh.

139880cookie-checkEhelada Ikraan Tahliil Oo Dacwad Ku Soo Oogay Tiro Saraakiil ah