Eedeysanayaal Jirdil u Geystay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in muuqaal ay iska duubeen 4-Haween ah oo Nin Degaanka ah ku balamiyeen guri, kadibna garaacis iyo jir dil ku bilaabay, iyagoo u geystay dhaawacyo kala duwan kaasoo lagu dabiibaayo Isbitaal magaalada ku yaal..

Wararka ayaa sheegay in dhibanahaan oo magaciisa lagu sheegay Ceydaruus Cali Jasmac oo ay wareysatay Horyaal Tv ayaa sheegay in Gabadh ay wada sheekeysan jireen ku balamisay guri, kadibna markii uu guriga galay ku bilaabern garaacis iyo jir dil, iyagoo ka qaatay Mobile uu heystay iyo dharkii uu xirnaa.

https://www.facebook.com/share/v/dW9dyFofiqx4Cuum/?mibextid=KsPBc6&startTimeMs=231000

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka magaalada Hargeysa ay ku guuleysteen iney soo qabtaan 4-Haweenka ah oo Jir-dilka u geystaan Caydaruus Cali, waxaana lagu hayaa Saldhigga Boliiska, iyadoo Baarayaashu ay sheegeen iney Haweenkaan horey dhowr Qof sidaan oo kale u jirdilo ugu geysteen.

305120cookie-checkEedeysanayaal Jirdil u Geystay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com