Ma Dhabaa in Duleedka Degmada Lughaya la Qorsheeyay in laga Dhiso Dekada Ciidamada Ethiopia..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Degaanka saxda ah ee laga yaabo in Ciidamada Badda Ethiopia ay qorsheeyeen iney ka dhistaan ​​fariisinkoodii ugu horreeyay ee ka baxsan Gudaha Dalkooda, iyadoo ay isla sahmiyeen Saraakiil isugu jirta France, UAE iyo Ethiopia, waana degaan ku dhow degmada xeebta ah ee Lughaya ee Gobolka Awdal ee Somalia…

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in sidoo kale la qorsheeyay in laga dhiso Wadooyin Tareenada iyo Laami ah oo dhirirkeedu lagu qiyaaday 90-KM, Dhaqaalaha ku baxaaya waxaa balanqaaday Dowlada UAE, halka Shirkadaha dhisaayaan Dhismaha Dekada iyo Labada wado waxaa qandaraas lagu siiyay Shirkado France ah, ku Darsoo Madaxweynaha Somalia Guri weyne ayeey Ilmo Al-Nahyaan ka dejiyeen Marwada 1-aad magaalada Dubai.

Dowlada Djibouti oo weli la amakaagsan jilaafada Mr.Abiy, France iyo UAE, ayaa Heshiiska Is-afgaradkaan u aragto inuu denaheeda Ganacsi khatar ku yahay iyo Saaxiibkeeda Xasan Gurgurte, inkastoo aysan weli ka soo saarin mowqifkeeda, waxaase laga yabaa iney kiciso, maalgeliso Beelaha Ciisaha iyo Gadabuursi maadaama dhaqaalaheeda uu halis ku jiro, Mr.Ismaaciil inuu ka aarguto dhaqaale ahaan isaga oo kordhinaya tariifadaha Dekedaha & inuu isticmaalo barnaamijka IGAD si uu Abiy ugu riixo inuu dib u eego damciisa, inkastoo uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin France iyo UAE.

Tixraaca Taariikhda ku gedaaman Khilaafka:

Jilaafada xiisadaan waxey soo bilaabatay sanadkii 2019, iyadoo Ethiopia & France ay kala saxiixdeen Heshiis militari oo salka ku haya dhismaha Ciidamada Badda Ethiopia kaasoo fududeynaaya Iskaashiga Hawada, Hawlgalada Wadajirka ah iyo Fursadaha tababarka iyo iibibta Maraakiibta Dagaalka, December 2023 Faransiiska ayaa ka aamusay u codeynta UNSC ee cunaqabateynta hubka ee Somalia laga qaaday, Iyadoo Dowlada France 1-dii January 2024, ay lawareegtsy Gudoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

298350cookie-checkMa Dhabaa in Duleedka Degmada Lughaya la Qorsheeyay in laga Dhiso Dekada Ciidamada Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com