Xil Magacaabista Xasan Gurgurte Oo Macna-tiray Nuxurka Xafiiskiisa & Dib u Dhiga Mashruuca Qabyo Tirka Dastuurka..

Somalia news

Hogaanka Maamulka Madaxtooyada Somalia tan iyo intii uu qabtay Mr.Xasan Sheekh, wuxuu ku mashquulay sidii uu u magacaabi lahaa Daraasiin La-taliyayaal kuwaasoo qaarkood aan Xafiisyo laheyn isla markaasna loo qoray Gunooyin gaaraya 10.000 US$, iyadoo dhibaatadii uu ku hayay Dhaqaalaha uu ku bixiyo Safarada dibeda ayuu ku biiriyay magacaabista…

Wuxuuna u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud (Agaasimhii hore ee Madaxtooyada) inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Somalia, wuxuuna kula dardaarmay inuu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka Dastuurka.

Dhanka kale, ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Mr.Xasan Sheekh uu go’aansaday in la hakiyo qorshihiisa la xiriiray wax ka bedelka Dastuurka kadib markii uu heli waayay tiro Xildhibaano & Senataro ku filan iney taageeraan mashruuciisa, iyadoo la sheegayo in hakinta ay ku qasbeen laba culeys:-

-Culeys ka yimid Shacbiga Mogdishu, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Miisaan leh.

-Dalalka USA & Midowga Europe oo kula taliyay inuu xiligaan hakiyo.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Mr.Xasan Sheekh inuu dib u dhigtay Mashruucaan, wuxuuna la sugayaa marka ay soo xaafiraan fursadaha Siyaasada, isagoo go’aansaday inuu marka ay muddo xileedkiisu uga harsan tahay 5-bilood uu dib u soo nooleeyo.

291820cookie-checkXil Magacaabista Xasan Gurgurte Oo Macna-tiray Nuxurka Xafiiskiisa & Dib u Dhiga Mashruuca Qabyo Tirka Dastuurka..