Rooble Oo Nairobi Kula Shiray Cumar Cabdirashiid & Qalbi-Dhagax

Somalia news

Ra’iisul Wasaaradaha Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Rooble oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa wada kulamo uu la yeelanaayo Wakiilada Beesha Caalamka Iyo qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada, wuxuuna la kulmay Ra’isul Wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake…

Rooble iyo Cumar Sharmaake ayaa iska wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka amniga, dhaqaalaha iyo waliba arrimaha doorashooyinka oo hadda ka socda maamul Goboleedyada, iyadoo xusid mudan in Senator Cumar laga reebay Sanadkaan Musharanimadiisa.

Cumar Cabdirashiid ayaa kula taliyay Rooble inuu dhex dhexaad ka noqdo doorashada Somalia islamarkaana uu garab istaago dimuquraadiyada iyo dowladnimada curdanka ah ee muddada la soo dhisayay, Labada Ra’isul Wasaare ayaa ugu dambeyntii ka dooday doorashooyinka iyo waxa laga filan karo iyagoo isla gartay qaabka ay hadda wax u socdaan iney tahay mid aan qurux badneyn.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Mr.Rooble ayaa hotelka uu ka degan yahay Nairobi ku qaabilay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo sanadkii 2017 Dowladda Federaalka u dhiibtay Dowladda Ethiopia.

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa horay ugu dhiiran waayay Ra’iisul Wasaarihii hore iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

134670cookie-checkRooble Oo Nairobi Kula Shiray Cumar Cabdirashiid & Qalbi-Dhagax