Maamulka Somaliland Oo Dagaal Qorsheysan ku Beegeysa Doorashada Degaanada Puntland

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi ayaa isu diyaarinaya inuu dagaal qorshaysan oo uu ku carqaladeynaayo maalinta doorashada Puntland ee 25 May sida ay muujinayaan xogo amni oo loo qaateen ah…

Xogtaan ayaa sheetay in Xoogaga Somaliland ayaa laga dareemay maanta dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka duwan kuwii hore waxaana ay u diyaar-garoobayaan weerar ku jihaysan Laascaanood, iyadoo Ilaa 24-kii saac ee u dambeysay ay Abaabul iyo Daabul ku waday Aagaga Bari iyo Degaanada Oog.

Somaliland ayaa mudda dhawr bilood ah weerarro joogta ah ku haysa Laascaanood si ay dib ugu qabsato inkastoo ay dhammaantood ku fashilantay islamarkaana ku wayday saraakiil iyo askar badan, Muuse Biixi ayaa sheegay in aanu joojin doonin dagaalka Gobolka Sool ilaa uu dib ula wareego magaalooyinkii laga qabsaday Xoogagiisa oo ay ku jirto Laascaanood.

257290cookie-checkMaamulka Somaliland Oo Dagaal Qorsheysan ku Beegeysa Doorashada Degaanada Puntland