Rooble Oo Oggolaaday Laba ka mid ah Kuraasta Muranka Dhaliyay

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Mr.Rooble uu ka goos qabsaday culeysyo dhinacyo badan kaga yimid wuxuuna ku dhagay islamarkaasna ku adeystay in la sii daayo Kursiga Hop#086 ee Eedeysane Fahad Yaasiin.

Wararka ayaa sheegay Mr.Rooble ayaa sheegay inuu oggol yahay in 3-da Kursi ee Koonfur-galbeed 2-ka mid ah loo sii daayo midna laga reebo, sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Mr.Rooble ayaa la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS oo uu kala hadlay qabanqaabada iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada ee qorsheysan 14-ka bishan.

Rooble, wuxuu ku dadaalayaa in xaflada dhaarinta Xildhibaanada ay dhacdo 14-ka bishan ee sidii loo qorsheeyay, inkastoo ay soo baxayaan caqabado ka imaanaya qeybta Rayidka ee Howlgalka ATMIS ee Midowga Africa.

181430cookie-checkRooble Oo Oggolaaday Laba ka mid ah Kuraasta Muranka Dhaliyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com