Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Horyimid Qorshe Ay wateen Wakiilada Beesha Caalamka

Somalia news

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka horyimid qorshe Beesha Caalamka ku doonayso in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo loo kala qeybiyo Xildhibaanada degaan doorashadeedu loo asteeyay magaalada Garbahaarey ee xulashadeedu lagu muransan yahay…

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan macquul ahayn doonista qaar kamid ah Beesha Caalamka ku rabto in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweynaha Federaalka ay kala qeybsadaan Xildhibaanada kasoo baxaya Garbahaarey, wuxuuna intaas ku daray hadii kuraasta la kala qeybsanayo in ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubaland ay joogaan oo iyagu geed fadhi u noqdaan xal ka gaarista arintaas.

https://fb.watch/cjkVqjd35g/

Madaxweyana Jubaland ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu xalay la yeeshay Xildhibaanada laga soo doortay Jubaland ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay hada tahay meel aan la kala saari karin hay’adaha amniga Dowlada iyo Shabaabka, isla markana ay si weyn iskugu milmeen, loona baahan yahay in Xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

181480cookie-checkMadaxweynaha Jubbaland Oo Ka Horyimid Qorshe Ay wateen Wakiilada Beesha Caalamka