Danjiraha UK Oo Lagu Eedeeyay Iney Ka Baxday Taageero Ay Balanqaaday

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Danjiraha UK Mrs.Kate Foster ay soo fara gelisay isla markaasna ay joojisay Balanqaad ay UK horey u sameysay oo iney dhaqaale ku taageerayaan dib u dhiska Wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo-Hobyo ee Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Dadka degaanka, Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsato ay isku xil qaameen iney dib u dayactiraan 150-KM oo Wadadaasi ah, Waxaana la sheegay in Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ay 19-September 2019 ay la kulmeen Hey’addaha deeqaha bixiya, iyagoo ka codsaday in gacan laga siiyo sidii looga taageeri lahaa Qalabka dhismaha Wadooyinka ( Heavy machinery road construction), waxaana kulankaasi soo qabanqabiyay Safaarada Norway ee Somalia.

Wadada oo la sheegay iney ka harsan tahay 120-KM dhameystirkeeda, ayaa la sheegay in lagu heshiiyay in Somalia laga caawiyo Qalabka Dhismaha Wadooyinka, waxaana wada oggolaaday Dalalka Norway, Sweden, Denmark, UK, Nederland iyo KFW, iyadoo dib u dhaca Qanadaraaska la sheegay in lagu sababeeyay Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus.

Hogaamiyayaasha degaanka ayaa ku eedeyay Danjiraha UK iney ka baxday balamihii ay Qaadeen waxaana ka mid ahaa Adam Smith International, waxeyna ka digeen in Talaabada ay ku dhaqaaqday Danjiraha UK iney dhaawac u keeni doonto sumcada iyo qadarinta ay Bulshada Soomaaliyeed u Hayaan Boqortooyada UK.

131860cookie-checkDanjiraha UK Oo Lagu Eedeeyay Iney Ka Baxday Taageero Ay Balanqaaday