Rooble & Safaradii Sacuudiga iyo Djibouti

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safaradii Uu Wasiirka 1-aad Ee Xukuumada Xil gaarsiinta Mr.Rooble uu ku tagay Dalalka Sacuudiga iyo Djibouti, Iyo Culeysyo uu kala kulmaayo Xafiisyada Madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasoo ku aadan Sidii dib loogu dhigi lahaa Kulanka 20-ka Bishaan loo balansan yahay…

Ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.con news in Farmaajo uu ku cadaadinaayo Rooble in Shirka 20-ka bisha loo balansan yahay uu dib dhigo ilaa 5-ta bisha Juun ama July, isla markaasna uu u qoro Warqad AU-da uu ku dalbanaayo in la joojiyo Ergyga Midowga Africa, talaabadaan ayaa la sheegay in Rooble uu ka biyo diiday.

Safarka Sacuudiga:-

Tagidiisii Rooble Ee Sacuudiga waxay ilo muhiim ah sheegayaan in Cimraysigiisii kadib diyaarad khaas ah lagu qaaday, iyadoo laga reebay Wasiiradii, Safiirkii iyo Xaaskiisiba kuwaasoo loo sheegay iney ku negaadaan Hoteelka Magaalada Jiddah, Rooble ayaa Kulan la qaatay madax sare oo Sacuudiyaan ah ayay xaqiijinayaan ilahaas.

Sacuudigu waxay faraha usoo galiyeen xoogaa Soorya ah, waxayna ubalan qaadeen inay geedi socodka doorashada ay iyagu maalgalinayaan kuna taageerayaan inuu ku guulaysto shaqadaas, waxayse shuruud uga dhigeen inuu aqbalo kala shaqaynta soo saarida siyaasi ay wataan, taasoo uu aqbalay Rooble.

Boqortooyada Sacuudigu ayaa doorashadaan waxay doonayaan iney saamayn weyn ku yeeshaan kuna bixiyaan dhaqaale fara badan, Musharaxa ay wataan Waxaa saaran.??

Rooble iyo Djibouti:-

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelleh ayaa sidoo kale wuxu ubalan qaaday wada shaqayn, isagoo ka codsaday inuu dhankiisa wax la fududeeyo oo si gaar ah Xildhibaanada 9-ka ah ee Beesha Ciise iyo guud ahaan kuwa Direed Soo xulistooda uu ku tixgeliyo.

Wakhtiga Doorashada ayaa lagu wadaa muddo 2-bilood kadib dalku doorasho u dareero kadib markii lagu heshiiyo Qodobada Khilaafka dhaliyay iyo Dhaqaalaha Wakiilada Beesha Caalamka ay soo gaaraan Dowladda Federaalka.

119070cookie-checkRooble & Safaradii Sacuudiga iyo Djibouti