12 Oktoobar Maalinta xuska Calanka Soomaaliya ee 68 sano jirsadey. 

Somalia news

Maanta 12 Oktoobar waa maalintii Calanka, Waxaa qaybo badan oo ka mid ah dalka Dalka maanta oo kale laga xusayaa 12-ka October maalinta calanka oo asaaskeedi ay ka soo wareegtey 68 sano, Calanka Waxaa la hindisay taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana iska lahaa fekerka iyo naqshada Calanka ilaahay ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan..

Marxuumka ayaa hindisay kadib ayaa dood dheer oo adag laga galay, iyadoo dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii iyo taagerayaashoodii Somalida ahaa kuwaasoi markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

Goobtii ugu horeysay ee laga taago Calanka Soomaaliyeed ma aheyd Caasimada, bslse waxey aheyd beerta xoriyada ee Magaalada Hargeysa 26-kii Juun 1969-kii, Kadib burburkii qaranka Somalia, waxaa soo baxay in midabka calanka Soomaaliyeed uu noqdo mid qofba waxa uu rabo samaysto isaga oo buluug raadinaaya keliya, laakiin calanku waa buluug khafiif ah oo lamid ah kan cirka, waxaa jira tiro iyo xisaab midabkasta iska lee yahay oo lagu kala saaro.

218510cookie-check12 Oktoobar Maalinta xuska Calanka Soomaaliya ee 68 sano jirsadey. 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com