Ganacsatada Qaadka Mogadishu oo ka Cabanaaya Dhaqaale Baad ah Oo Laga Qaado Qaadka Kenya

Somalia news

Warbixin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaaradii Qaadka Kenya oo maalintii Axadii muddo dhowr saacadood ah lagu xayiray, Kadib markii qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka uga soo dagay Garoonka Diyaaradaha la weydistay iney bixiyaan (Dhaqaale kor saar ah) oo sharci darro ah…

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in halkii kiilo oo Qaadka Kenya (Miirowga ah) laga qaadayo qiimo dhan hal dollar, taasoo ka dhigan in halkii jawaan oo Jaad ah laga qaadayo lacag dhan 100-US$, Wuxuu sheegay Xildhibaano iyo Shakhsiyaad kale oo magaca Dowladda adeegsanaya inay Ganacsatada ka qaadayaan Dhaqaale ay ugu yeereen ”Commission”, taasoo ay sheegeen inay tahay Baad sharci darro ah.

Wuxuu ugu baaqay Mas’uuliuiinta Dowladda Federaalka inay soo faragaliyaan Xiisadaan islaamarkaana ay tallaabo ka qaadaan Shakhsiyaadka magaca dowladda ku qaadanaya lacagaha aan sharci ahayna, kuwaas ganacsigooda lagu dhibaataynayo, sida uu hadalka u dhigay.

203510cookie-checkGanacsatada Qaadka Mogadishu oo ka Cabanaaya Dhaqaale Baad ah Oo Laga Qaado Qaadka Kenya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com