Sidee looga Gudbi karaa Is-maandhaafka ka dhashay Axdi-Qarameedka & Danta Guudna looga Wada Shaqeyn karaa..

Somalia news

Waxaa Maalmahaan Is-maandhaaf xoogan ka taagan yahay Qaabka “dib u eegista” ama “constitutional review” Axdi Qarameedka Dawlada Fadaraalka, iyadoo Garabyada xiligaan isku haya siyaasada ay koox waliba leedahay hadii aan aragtideyda aan ka dhiiban “ Looma Dhama, ku darsoo waxaa la waday 12-sano si loo helo Dastuur la isku raacsan yahay… 

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Dastuurka ayaa tilmaamay in Axdi Qarammedku u leeyahay argatiyo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, iyo Dawlad dhis, iyadoo is-maandhaaf taagani u ka soo fircamay Arrimo siyaasadeed waana mashruuca xiligaan horyaal Golayaasha Barlamaanka DFS:-

-Ma qoris cusub oo Axdi Qarameed miyaa (constitution drafting)?

-Ma wax ku dar iyo ka badal baa (Constitutional amendemnts)?

-Mise dib u eegis baa (constitutional review)?

Khubarada ayaa dul istaagay in 3-daan astaamood oo ay wadaagaan kuwaasoo meelaha qaarkoodna kala duwan yihiin, Waxay wadaagaan wada tashi lagu qancin karo Daneeyayaasha iyo Shacabka isticmaali doona Axdiga (participatory process and public engagement), Waxyse ku kala duwan yihiin:-

Araar:-Curinta Axdiga waxaa iska leh xooga siyaasadeed iyagoo kaashanaaya khabiirada, sida markii la bilaabay dajiinta Axdi qarameedkaan hada sida KMG ah u shaqeeya kaasoo soo bilaabmay 2012.

Hadiise la isku raaco qabyo qoraal axdi qarameed, wax ku dar iyo dib-u eegis waxaa iska leh Laanta Sharci Dejinta ee Labada Gole (fiiri Cutubka 2, faqradiihiisa 63 & 69 ee Axdi Qarameedka qabyada ah).

3-da Qodob ee muhiimka u ah wax ku darka iyo dibu eegista, Axdiga Qabyada ah iyo xataa haduu dhameys tiran yahay.

-Xiliga la qaadayo ficiladaani munaasib ma yihiin (timing of the project)?

-Wada-tashiga la geliyo Shacbiga ma gadaal mise hore ayuu ka imanayaa (prioritization of public engagement)

-Qiimaynta khatarta ka iman karte Falkaan isaga ah (risk assessment).

Maadaama ay Laanta Fulintu ka dambeyso dhageysiga soo gabo gaboobaya ee shaqadaan, Iyadoo iyo Sharci-dajiyaasha ayaa lagala xisaabtami doonaa hadii uu xumaado/ hadii uu samaado, Labda Aqalna waxey Wakiilo ka yihiin Maamulada Gobolada oo laga soo xushay.

Khubarada ku xeel dheer ayaa Qiimeynta arrimaha aan soo sheegnay waxa xilkoodu saaran yahay Laba Laamood ee kor ku xusan ama dib u eegis ha noqoto ama wax ku darka Axdi Qarameedka Qabyada ah.

Talo Bixin

-Ismaandhaafku yaan la gaarsiin kala guur ama isku dhac iyo Abaabul Dagaal ama dhiiga Shacbiga oo la daadiyo macno la’aan.

-In loo fogaado ficilada horseedi kara in Maamulka Dowladda Federaalka xiligaan kala guur ah ah oo ay nugushahay ama (fragile) tahay  si fudud lagu burburiyo.

-In Garabyada Siyaasada isku hayo iney iskugu tagaan Qolal albaabadana isu xirtaan kuna wada hadlaan, iyadoo laga duulaayo Danta guud.

-In tanaasul la la yimaado oo Danta guud laga fekero meelna la iska dhigo mid gaarka ah.

317140cookie-checkSidee looga Gudbi karaa Is-maandhaafka ka dhashay Axdi-Qarameedka & Danta Guudna looga Wada Shaqeyn karaa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com