Maxkamada Gobolka Benadir Oo Bilaawday Dhageysiga Dacwad lagu soo Oogay 15-Eedeysane…

Somalia news

Waxaa maalintii shalay Maxkamadda Gobolka Banaadir dib u bilowday Maxkamadeynta Dacwad loo haysto (Eedeysanayaal) Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ku Eedaysan Musuqmaasuq oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Wasaarada Maaliyada…

Iyadoo Xafiiska Dacwad oogaha uu ka akhriyay eedaha lagu soo oogay 15-Eedeysane oo intooda badan maqane ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Agaasimeyaashii hore ee Haya’ada Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), waxeyna ku eedeysan yihiin lunsasho hanti dadweyne iyo qodobo kale.

Eedeysane Cabdul, ayaa lagu soo oogay ka qayb qaadasho dambi iyo gudasho la’aan waajib iyo Mas’uuliyad Xafiis Dowladdeed, isagoo ka qeyb qaatay lunsasho dakhli dowladdeed oo gaaraysa 5,327,355 oo US$, Halka Eedeysane Kofi ayaa ku eedeysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey.

Eedeysanayaasha kale ee iyagoo maqan eedahooda laga akhriyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mida Agaasimihii Cashuuraha Biriga ee Wasaarada Maaliyadda Eedaysane Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabeey) oo ku Eedaysan lunsasho hanti maaliyadeed oo dhan 20-millions US$, 12-ka Eedeysanayaasha ee kale oo dhamaantood maqanayaal ah, marka laga reebo Hal eedeysane ayaa lagu oogay denbiyo isku mida oo ah, Lunsasho Xoolo Dadweyne iyo qodobo kale.

287840cookie-checkMaxkamada Gobolka Benadir Oo Bilaawday Dhageysiga Dacwad lagu soo Oogay 15-Eedeysane…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com