Safaarada USA oo soo Saartay Qoraal Digniino Amni Xambaarsan ee Magaalada Migadishu…

Somalia news

Qoraal wiifto ah oo la xiriirta Digniino ah ayeey soo saareen Safaarada Mareykanka ee magaalada Mogadishu, iyagoo uga digay Shaqaalaheeda iyo eheladooda iney fejignaan iyo taxadir muujiyaan todobaadka soo socda isla markaasna ka baaqsadaan Goobaha Dadku ku badan yihiin…

Sida Garoonka Diyaaradaha, Dekeda Mogadishu, Xafiisyada Dowlada, Hoteelada, Mall’s, iyadoo la hakiyay howlihii Safaarada, qoraalka ayaa la sheegay in gaadiid qaraxyo ka buuxaan ku jiraan magaalada, digniintaan ayaa lagu soo daray in shaqaalaha ay ku wargeliyaan eheladooda iyo in laga baaqsado kolonyada Gadiidka ee Shaqaalaha Ajnabiga ee magaalada dhex mar.

Digniintaan ayaa noqoneysa tii 2-aad muddo bilo gudahooda ah oo ay soo saaraan Safaaradaha USA ee Nairobi iyo Mogadishu, iyadoo qoraalkooda ku sheegay in weeraradu noqon karaa Gaadiid Qaraxyo, Qof walxaha qarxa isku soo xiray, kaligiis duul iyo weerar hobiyayaal, digniintaan ayaa xambaarsan heerka 4-aad.

328670cookie-checkSafaarada USA oo soo Saartay Qoraal Digniino Amni Xambaarsan ee Magaalada Migadishu…