SCAA Oo Been Abuur Ku Tilmaamtay Warqad Laga Faafiyay Badqabka Hawada Somalia..

Somalia news

15-saac ee u dambeeysay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay Qoraal been abuur ah oo laga dhigay iney soo saartay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), taasoo salka ku heysa in Maamulka Hawada ee Magaalada Hargeysa ay fariimo been abuur ah u direen Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalka…

Fariimahaan ayaa la sheegay iney khalkhal geliyeen badqabka Diyaaradaha iyo Rabaabka, sida ku cad heshiiska mabda’a aasaasiga ah ee Sharciga hawada caalamiga ah ee Chicago, dal kasta oo dunida ah waxa uu leeyahay madaxbanaani buuxda oo gaar ah marka laga hadlayo Hawada sare ee dhulkiisa.

Qodobka waxaa si aan leexleexad lahayn loogu xaqiijiyay Axdiga Paris ee Xeerka Hawada, iyo heshiiskii Chicago ee duulista rayidka caalamiga ah ee maanta dunida oo dhan u ah marjaca ee Heshiiska duulimaadyada Rayidka ee Caalamiga ah, oo ay diyaariyeen sanadkii 1944-kii 54 dowladood, ayaa loo aasaasay si kor loogu qaado iskaashiga iyo saaxiibtinimada quruumaha dadyowga aduunka.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan Hey’adda Dullista Rayidka Somalia, Garoonka diyaaradaha laga hago ee Hargeysa ayaa xog qaldan la wadaagay tiro diyaarado caalami ah oo isticmaalaya hawada sare ee Somalia, iyadoo Maamulka Waqooyiga Somalia uu xaqiijiyay iney qaadeen talabaadaasi si ay uga aargutaan xayiraada ay Hey’adda SCAA ku soo rogtay tiro Duulimaadyo ah.

Waxeyna uga digeen Muwaadiniinta meheradaha ka dhigtay iney soo saaraan qoraal Been abuur ah si loo khaldo muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo intaasi raacisay in “Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin iney ogaadaan Dhacdooyinka Haboon, sidaas darteed war-saxaafadeed kasta aan lagu baahin baraha Hey’adda waa mid been abuur ciqaab lagu muteysan karo”.

308540cookie-checkSCAA Oo Been Abuur Ku Tilmaamtay Warqad Laga Faafiyay Badqabka Hawada Somalia..