Xog:-Markab Xoolo ka qaaday Dekada BERBERA oo dib loo soo celiyay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa muran ka dhashay Markab Xoolo sida oo Wasaarada Caafimaadka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay amartay in dib loo celiyo, kaasoo dhowaan ka shiraacday Dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland muddo maalmo ah ku xayirnaa Xeebaha Dalkaasi..

Wararka ayaa sheegay in Markabka uu siday Xoolo Geel ah, tira ahaana gaaraya 1634 neef ayaa loo diiday inuu xirto Dekedda magaalada Jeddah, waxeyna Saraakiisha Sacuudigu u sheegeen Gsnacsatadii uu u rarnaa in uusan soo marin habraacyada saxda ahaa, uusana wadan shahaadooyinkii iyo aqoonsiyada rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Somalia.

Sidoo kale, Saraakiisha Sacuudiga ayaa ku amray Captanka Markabka inuu dib ugu laabto magaalada Berbera, lana soo mariyo xoolaha uu sido dhammaan habraacyada ay xooluhu kusoo galaan Sacuudi Careebiya.

246870cookie-checkXog:-Markab Xoolo ka qaaday Dekada BERBERA oo dib loo soo celiyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com