Safarada Madaxda Soomaalida Iyo Sirdoonada shisheeyaha

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa safar Uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mr.Saciid Cabdullaahi Deni u ku tagaayo magaalada Addis Ababa, isagoo ay halkaas hadda uga horeeyaan qaar kamid ah xubnaha golihiisa wasiiradda, waxaana safarka uu la xariira gorgortan siyaasadeed oo kuwajahan xagga doorashooyinka Dalka iyo Qodobo kale….

Xogtaan ayaa loo xaqiijiyay Diinah.com in Safarka Mr.Deni Ee magaalada Addis Ababa, uu ku soo aaday kadib markii todobaadkii tagay ay Kulan ku yeeshaan halkaasi Madaxda Sirdoonada Ethiopia, Eritrea iyo Somalia, Isku keenida kulankaan ayaa la xariira arrimaha Xiisadaha Ciidamada Gobolka Gedo , Khilaafka Kenya Iyo Somalia iyo doorashada, waxaana la rumeysan yahay inay qorshayaal soo diyaariyeen lions baahan yahay in laga dhaadhiciyo sidii ay u fulin lahaayeen Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa kamid ah siyaasiinta Soomaalida ee hadda u janjeera dhanka UAE iyo Sacuudiga, wuxuuna aad uga soo horjeeday Fara gelinta Arrimaha Somalia ee dalka Qadar, sidaas oo kale Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yasiin ayay is hayeen, Isheynta ayaa ka dhalatay sannadkii 2019kii doorashadii Puntland oo uu Siciid Deni taageero ka raadiyey dhinaca Dawladda Faderaalka, balse ay ka jeedsadeen oo ay taageereen musharax kale.

Dhanka kale, waxaa dhowaan Magaalada Addis Ababa gaaray wafdi kasocday Jubbaland oo uu hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Maxamuud Sayid Aden, uuna ku jiray saaxiibka dhaw ee Axmed Madoobe ahna wasiirka Maaliyadda Cabdirashiid Jirde.

Warar hoose ayaa xaqiijinaaya in Saraakiisha Sirdoonka UAE ku cadaadinayan 3 siyaasi oo uu kamid yhay Madaxweynaha Puntland in ay dib ugu soo laabtan Dubia 27-ka bishan oo ay naga xigaan sadex maalmood oo qura, si wada tashi looga yeesho Arrimaha Doorashada Dalka.

68600cookie-checkSafarada Madaxda Soomaalida Iyo Sirdoonada shisheeyaha