Gobolka Sanaag Iyo Is-Balaarinta Kooxaha Argagixisada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga gobolka Sanaag ayaa sheegaya in koox daacad u ah Maleeshiyaadka Shababka kana yimid dhanka Somaliland, ayaa fariisimo cusub ka yagleelay degaandaasi. Iyadoo talaabadaan ay cabsi ku abuurtay Dadka degaanka….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya kooxahaan Hubeysan ay la wareegeen Degaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet oo dhammaan hoosyimaada degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.

Magaalada Las-qoray ee gobolka Sanaag iyo tuulooyinka hoos taga ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay oo gacan ku heyntooda isku hayay Xoogaga Hubeysan ee ka kala tirsan Puntland & Somaliland balse ay haatan sheegteen inay la wareegeen Kooxda Shabaab.

Dhanka kale, Xoogaga Difaaca Puntland ayaa maalintii shalay howgal ay ka fuliyeen xeebaha deegaanada Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado oo kala tirsan gobolada Bari iyo Sanaag, waxeyna kusoo qabteen doonyo iyo hub sharci darro ah oo aan tiradoodu la cayimin.

68570cookie-checkGobolka Sanaag Iyo Is-Balaarinta Kooxaha Argagixisada