Khilaafii Puntland ee Dowlada Federaalka kala Dhaxeeyay oo u Gudbay World Bank…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamulka Garoowe ay 5-Shuruudood ayay ku xireen ka qayb ka noqoshada Mashaariicda IMF iyo Baanka Aduunka, kuwaasoo la sheegay in ku kacayasn 100-Millions US$, waxeyna dalbadeen in la hakiyo Geedi socodka Deyn Cafinta…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyada Puntland Maxamed Dhabanacad ayaa eedeyn u jeediyay Hey’adaha IMF iyo World Bank iney la safteen Dowladda Federaalka, waxeyna joojiyeen tiro badan oo Mashaariic ah oo loo qoondeeyay Degaanada Puntland kadib markii Maamulka Dani uu xiriirkii wada shaqeyned u jaray Dowlada Federaalka, Baanka Aduunka iyo IMF PL way diiday iney u fududayso danahooda khatarta ku ah Dowlad dhiska Somalia.

Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa ku adkeystay iney samaysateen nidaam Maaliyadeed oo ugaar ah, waxayna muujisay iney isku filan tahay dhaqaale ahaan iyo nidaam ahaanba, isagoo intaasi raaciyay in xiligaan uusan jirin baahi ay heshiis kula gaarasn Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha Caalamiga ah.

https://x.com/radiodaljir/status/1704910217144664142?s=46&t=ULdzLZsDXJ_GmmSfmTsWjw

278220cookie-checkKhilaafii Puntland ee Dowlada Federaalka kala Dhaxeeyay oo u Gudbay World Bank…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com