Muranka Khilaafka Doorashada Oo Horseedi Kara Cadaadis Dhaqaale

Somalia news

Xasaradda siyaasadda iyo is-aminaad la’aanta ka dhax- oogan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa waxay sababi doontaa inay saameyn weyn ku yeelan doonto dhaqaalaha Dalka Maadama Dowladdu ay ku tiirsana tahay yabooha iyo taageerada beesha caalamaka iyo Dowladaha Saaxiibada dhow la ah….

Sida ay qabaan dadka Siyaasadda fasira waxey ku tilmaameen in Mr.Farmaajo diidmadiisa heshiis wada-ogol  ama ka tanaasulid la’aanta qodobada horjoogsiga ku ah in la hirgaliyo doorasho dadban oo lagu wada qanacsan yahay, tat horseedi karto dhaqaalo la’aan baahsan oo soo food saarta khasnada Dowladda.

Dib u dhugo Miisaaniyaada sanadkan 2021 waa in kabadan $400 Million, 55% waxaa laga filayaa inay ka timaado taageerada Caalamka Sido kale IMF waxay ansaxisay $329 Milyan oo lagu bixinaayo mashruuca SPN2, Habkaan ayaa ah qoondada sanadada 2020/2021 iyo 2022, Nidaamka IMF ay lacagtaan ku yabooheyso waxaa la qoondeeyaya in lagu bixiyo habka kabida nidaamka Miisaaniyadeed Ee Somalia.

IMF/WB waxey ku heshiiyeen in taageeradaas la siiyo dowladda si ay ugu talaabasato xasilooni Siyaasad, Amaan iyo Horumar, iyadoo laga duulayo Qorshaha loogu talagalay in lagu mastery o dhaqaalahaas sida lagu cadeeyay Qoraalada lagu bixixiyay mashruuca kaalmada ee lagu horamrinaayo taabo-galinta Hey’addaha dowladda si ay u gaaran Maamul wanaag, horumarinta Mashaariicda, xasiloonida iyo sugida amaanka.

Kabka Dhaqaalaha waxaa maamulkeeda lasoconayo World Bank , dowladda federalkana sida ay doonto dhaqaalaha uma maamulankarto, Dhaqaalaha kabidda waxaa lagu bixinayaa qoondaha mashariicda lagu ansaxiayay miisaaniayadda sanadlahaah.

Waxaa xaqiiqa ah  in dowladda M/weyne Farmaajo aysan laheyn wax xulasho ah , dhaqaalahaana ayan lagu dalban karin in lagu bixiyo ujeedo kale & mashruuc aan hore lo ansixin.

Haddii uu ku adkeysto in is-mari waagaan uu sii daba dheeraad, waxaa ka dhalan doonto in talaaabo kale ay qaadi doonto Wakiilada Beesha Caalamka, waxaa hadda la wadaa dadaalo waqti lagu siinaayo Mr.Farmaajo inuu si furan u aqbalo in dalka laga hirgaliyo muddo 2-bil ah doorasho xor xalaala ah, hadii u ku fashilmo waxaa la filan karaa cadaadis dhaqaale oo jilbaha u dhigi kara Somalia.

104880cookie-checkMuranka Khilaafka Doorashada Oo Horseedi Kara Cadaadis Dhaqaale