Madasha Samatabixinta Konfur galbeed Oo Qoraal ka Soo saaray Muddo Kordhinta Madaxweynaha

Somalia news

Madasha Samata Bixinta Maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus degaanada K/Galbeed ayaa shalay soo saaray bayaan dheer oo ku saabsan xaaladda ka jirta degaanada Maamulkaas iyo hab-dhaqanka Madaxweyne Laftagareen….

Mas’uuliyiintaan waxay cadeeyeen in Cabdicasiis Laftagareen ay u hareen bilo yar muddo xileedkiisu uu ku eg yahay 18-ka bisha December ee sanadkaan 2022-ka, isla markaana aan laga ogolaa doonin mudo kororsiga uu sameystay, iyagoo ka deyriyey xaaladaha amni, bini’aadanimo iyo maamul ee ka jira K/Galbeed.

Sidoo kale Xidhibaano ka aragti duwanaa Laftagareen oo baarlamaanka maamulkaas laga saaray ayaa bayaankaan lagu sheegay in xildhibaano rasmi ah ay yihiin, iyadoo kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas ayaa la dalbaday in deg deg loo furo.

215060cookie-checkMadasha Samatabixinta Konfur galbeed Oo Qoraal ka Soo saaray Muddo Kordhinta Madaxweynaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com