Saldhigii Boliiska Garoonka Diyaaradaha Oo Gobolka La Hoos Geeyay

Somalia news

Amaro ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa la sheegay in Saldhigga Boliiska Garoonka Diyaaradaha ayaa la hoos geeyay Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, iyadoo horay Saldhigga Booliska Garoonka uu horey uga tirsanaa Qeybta Canshuuraha Boliiska….

Wareegto uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa lagu hoos geeyay Saldhiga Garoonka inuu ka mid noqdo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ee hoostaga Qeybta Guud, tasoo ka dhigay in awoodda magacaabis iyo xil ka qaadis uu leeyahay Taliyaha Ciidamada Boliiska, maadaama shaqo ahaan loo hoos keenay.

Lama oga tallabadan inay la xiriirto arrin siyaasadeed iyo in kale, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xerada Xalane ee ku yaala Xeyndaabka Garoonka ay dageen wafdiga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Dhanka kale Taliyaha Boliiska Cabdi Xassan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in accoun-ka uu ku leeyahay barta twitter la jabsaday isla markaana lagu soo qoray fariin dadkii akhristay ay la fajaceen.

Farriin lagu soo qoray barta twitter ee Taliye Xijaar oo ku qorneyd luuqada English-ka ayaa u dhigneyd “Iam going to be forever Somali Police commissioner! -Weligeey waxaan ahaanayaa taliyaha Booliska Soomaaliyee.”

103020cookie-checkSaldhigii Boliiska Garoonka Diyaaradaha Oo Gobolka La Hoos Geeyay