Muxuu Ergeyga Ka Bedeli Karaan Naceybka Shacbiga u Qaadeen Qatar/Turkey

Somalia news

Dowladaha Qatar iyo Turkey ayaa 4-sano Ee u dambeysay Waxaa faragelin toos ah ku hayeen Siyaasada gudaha Somalia, iyagoo la saftay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, Dhaqaale madowna ugu deeqay NISA si loo caburiyo Shacbiga, halkii laga rabay iney Shacbiga Soomaaliyeed la saftaan, waxaase su’aal ka taagan tagaan tahay Waxaa Qatar xiligaan ku qasbay iney Dalka u soo dirto Ergay gaarka ah….

Ergeygaan ayaa sabtigii ilaa Maanta lagu wadaa inuu la wada kulmo Dhamaan Dhinacyada isku haya siyaasadda iyo Wakiilada Beesha Caalamka, wuxuuna xalay la kulmay Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta kaasoo ka dhacay Hotelka Decale, iyadoo durbadiiba ay soo shaac baxaayaan tuhunka ku xeeran in qeyb ka mid ah Mucaaradka uu u yeertay Ergeygaan, iyadoo Sheekh Shariif, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay ka cudurdaarteen iney tagaan Magaalada Mogadishu si ay ula kulmaan Eegeyga, sababo la xiriira Ramadaanka iyo xiriir wanaagsan oo xiligaan kala dhaxeynin Dalka Qatar.

Eegeyga Dr.Mutlaq Al-Qahtani, ayaa degdeg ku yimid Dalka, wuxuuna ka soo hormaray Ergeyga AU-da oo aan weli la magacaabin inkastoo 2-todobaad ka hor Amiirka Qatar uu la kulmay Gudoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Dalka Congo Mr.Tshisekedi, waxaana jira tuhun badan oo ku gedaaman safarka Ergeyga.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ergeyga uu kula taliyay Farmaajo inuu is-casilo ama ugu yaraan ka noqdo inuu Musharax noqdo si eedaha loo saaro oo Turkiga iyo Qatar ay wakhti ugu helaan iney Musharax ka xushaaan kuwa u taagan Xilka Madaxtinimada Somalia.

Ujeedada ugu weyn Ee soo de-dejisay Safarka Ergeyga Qatar Ee Somalia ayaa lagu fasiray in tahay 3-daan Arrimood:-

-Iney Iska dejiyaan Cadaadiska USA iyo EU-da kuna aadan taageeradooda Farmaajo/Fahad.

-Iney Badbaadiyaan Siyaasada iyo danaha Turkiga/Qatar Ee Somalia ee ay hadaanta ka dhacday.

-In Shacbiga Soomaaliyeed oo dhibsaday Siyaasada 4-sano Qatar/Turkey taageerayeen Maamulka Fashilmay kuna bedelaan waji cusub

116230cookie-checkMuxuu Ergeyga Ka Bedeli Karaan Naceybka Shacbiga u Qaadeen Qatar/Turkey